Allbanaadir.com
NEWS

Imaaraadka oo si cad u taageeray qorshaha Trump ee Gaza

Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Mareykanka, Yousef Al Otaiba ayaa taageerray qorshaha Trump ee barakicinta dadka Qasa

Waxaa uu ku tilmaamay mid adag balse aan laga fursan karin inkasta qorshahan uu diidmo kala kulmay dalal badan oo caalamka ah, sabab la xiriirta Trump wuxuu xaqiijiyay inuu qaadanayo Qasa oo aysan dib ugu soo laaban doonin Falastiiniyiinta

“Ma arko qorshaha la soo jeediyay mid ka duwan” ayuu yiri Safiirka Imaaraadka iyadoo Tanina ay ka dhigaysa Imaaraadka Carabta inuu noqday dalkii u horreeyay ee Carbeed ee si rasmi ah u taageerra qorshaha Trump.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa dhowaan shaaciyey qorshe lagu barakicinayo shacabka Gaza laguna dejinayo dalalka Masar iyo Jordan isagoo sheegaya ineysan dib ugu soo laaban doonin falastiiniyiinta magaaladaas.

Waxaa Qorshahaas la yaabay si weyna uga hor yimid inta badan dalalka Islaamka iyo xitaa kuwa reer galbeedka oo ku tilmaamay mid dab ku sii shidaya xaalada murugsan ee bariga dhexe.

 

Related posts

Qatar oo wada Qorshayaal badan oo halis ku ah Soomaaliya Mustaqbalka dhow !!

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo ka hadlay geeridii ku timid Sheekh Sabaax Al Axmad Al Jaabir

Cabdi Cade

Somalia: Tirada dadkii ugu dambeeyey ee laga helay COVID-19 oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---