Allbanaadir.com
NEWS

Muran ka dhashay Show Fanaanad reer Somaliland ah ku qabaneyso Muqdisho

Fanaanada haboon Nuura oo ka soo jeeda Somaliland ayaa dhowaan soo gaartay Magaalada Muqdisho iyadoo ay wada socdaan fanaanka Marwaan Yare si ay u dhigaan show lagu soo beegay Munaasabada   Maalinta Jaceylka 14ka Febraayo.

Hase ahaatee showga ay caawa fanaaniintan qaban lahaayeen ayaa waxaa soo wajahay caqabad weyn oo ka dhalatay hees sanadkii hore laga qaaday magaalada hargeysa oo loogu gefay magaalada Muqdisho iyo shacabkeeda.

Fanaanada Haboon Nuura ayaa ka mid ahayd fanaaniintii ka soo muuqday heeskii “Ma lihin cadow Xamar ka daran” taasoo ka careysiisay shacabka magaalada Muqdisho xili uu taagnaa muranka heshiiskii badda ee Somaliland la gashay Itoobiya.

Dad badan aya isdweydiinaya sida ay fanaanada ugu soo dhiiratay socdaalkeeda magaalada Muqdisho iyadoo aan raali gelin iyo cudurdaar ka bixin heestaas, inkastoo fanaanada laga soo xigtay in cadaadis kaga yimid Somaliland awgeed ay ka qasbanaatay iney qaado heeska balse aysan iyadu raali ka aheyn.

Dhalinyarada la magac baxay Ciyaal Xamar ayaa showgeeda ka soo horjeestay, waxaana laga doonayaa ayey leeyihiin fanaanada Raalli Galin buuxda iney ka bixiso heesta maadaama ay ugu gaftay caasimada iyo dadkeeda.

Hase ahaatee Haboon ayey ku adkaatay iney raali gelin bixiso iyadoo ka cabsi qabta in marka ay ku laabato magaalada hargeysa xabsiga la dhigo sida looga bartay maamulka Somaliland iyadoo  taas bedelkeed qaaday hees ay amaaneyso Muqdisho iyo shacabkeeda taasoo sida muuqata aan lagu qancin inkastoo ay ka debcisay culeyskii badnaa.

Fanaaniin reer Muqdisho ah oo uu ka mid yahay fanaanka Dayax Dalnuurshe ayaa ku baaqay inaan la gelin showga Haboon oo caawa la filayo inuu ka dhaco hotelka Elite ee ku yaalla xeebta Liido waxayna fanaanada ka dalbadeen iney raali gelin buuxda bixiso haddii ay dooneyso in loo camiro showgeeda oo lagu galayo lacag gaareysa 25 Dolar qofkiiba.

Qaar kale oo ka mid ah dhalinyarada Muqdisho ayaa ku baaqay in fanaanada la iska cafiyo, loona camiro showga maadaama aysan ku dhiiran karin raali galinta laga dalbanayo cabsi ay ka qabto ineysan ku laaban karin magaalada Hargeysa oo ay ku nool yihiin qoyskeeda.

Allbanaadir Online ayaa xog ku heshay in Booliiska Soomaaliya iyo NISA ay hakiyeen sababo farsamo awgood bandhig faneedkii ay caawa Muqdisho ku qaban lahayd fanaanadda Habboon Nuura. Qabanqaabiyeyaasha ayaan weli si rasmi ah u faahfaahin sababaha keenay dib-u-dhigga bandhigga aadka loo hadal-hayay, mana jirto waqti la cayimay oo uu dib u qabsoomi doono.

Related posts

War cusub oo kasoo kordhay Liiska Masuuliyiinta Mareykanka kusoo rogay xayiraada Socdaalka

Cabdi Cade

Calaamadaha ugu horeya ee digninta ah noca cusub ee Corona virus (Omicron)

Cabdi Cade

Xarun Hormuud leedahay oo la Gubay & mid ka mid ah shaqaaleheeda oo dilay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---