Shan kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo u tanaasulay Abuu Mansuur

Shan kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo galabta kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo ayey ku shaaciyeen in ay isaga hareen doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Musharaxiintan ka haray doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dowlada Federaalka Soomaaliya ay faragalin ku heyso doorashada la filayo in dhawaan ka dhacdo magaalada Baydhabo.

Waxa ay sidoo kale Musharaxiintan doorashada isaga haray sheegeen in ay u tanaasuleen Musharax Madaxweyne Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur , waxa ayna cadeeyeen in ay taageerayaan Musharax Abuu Mansuur.

Musharaxiintan u tanaasulay Abuu Mansuur ayaa waxaa kamid ah Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya Maxamed Aadan fargeeti iyo sidoo kale siyaasiga Yuusuf Macalin Baadiyoow.

Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in Baydhabo ka dhacdo 5-ta bisha December , waxaana doorashada si adag ugu loolami doona Sheekh Mukhtaar Abuu Mansuur iyo Musharax Cabdicasiis Lafta Gareen oo dowlada taageero ka helaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -