Allbanaadir.com
NEWS

Maxay ka wada hadleen Xamse & safiirka cusub ee Falastiin?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Falastiin,  Rowaid Adil Mohamed , oo dhawaan laga guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Danjiranimo.

Kulanka ayaa diirradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Falastiin.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Safiir  Rowaid Adil Mohamed ugu hambalyeeyay xilka cusub, isaga oo caddeeyay in Soomaaliya ay mar walba garab taaggan tahay shacabka Falastiin  gaar ahaan xaqa taariikhiga ah ee ay u leeyihiin Falastiiniyiintu xornimada iyo madax-bannaanidooda wuxuunna cadeeyay in dowladda Soomaaliya aysan raali ka ahayn barakicinta shacabka falastiin.

Dhankiisa, Safiir  Rowaid Adil Mohamed , ayaa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay shacabka Falastiin, isaga oo xustay in dadka reer Falastiin ay si dhow u og yihiin abaalka walaaltinimo ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. waxa uu sidoo kale ballan-qaaday in uu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa labada bulsho.

Related posts

Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo Cadaado ka dhaceysa iyo Cali Gacal oo ka hadlay

Cabdi Cade

Madaxda Eritrea iyo Itoobiya oo Farmaajo kusoo dhaweeyay Asmara (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Milateri gadoodsan oo muddo kooban qabsaday Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir

Caydiid Ali
Taboola Ads ---