Allbanaadir.com
NEWS

Trump oo dagaal ganacsi ku qaaday Canada Mexico & China

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa albaabka u furay dagaal ganacsi oo caalami ah, kaddib markii uu saxiixay canshuur 25% ah oo uu ku soo rogay Canada iyo Mexico , halkaa Shiinaha uu saaray canshuur 10% . Manalaha wax canshuur dhaaf ah.

Aqalka Cad ayaa xaqiijiyay in Sabtidi shalay ay dhaqan gashay canshuur-kordhinti uu Madaxweyne Donald Trump saaray badeecadaha ay dalalka Mexico, Canada iyo Shiinaha u soo dhoofiyaan Mareykanka.

Isla markiiba Mexico, ayaa ku jawaabtay inay alaabaha Mareykanka saartay canshuur 25% iyadoo ka aargudaneysa talaabada uu qaaday Madaxweyne Trump

Waxaa xigtay Ra’iisul Wasaaraha xilka ka deggaya ee Canada, Justin Trudeau oo kaliya aan canshuur saarine badeecadaha Mareykanka,balse ugu baaqay dadka Canada inay ka fogaadaan alaabaha Mareykanka, sidoo kalena halkii ay fasaxyada u aadi lahaayeen Mareykanka ku qaataan gudaha Canada ama dalal kale tagaan.

Shiinaha si aamusnaan ah ayuu u daawanaya, mana bixin wax falcelin ah oo la xiriirta canshuurta 10% ee wax badan ka hooseysa midda Mexico iyo Canada balse waxaa la sheegay iney qiimeynayan talaabadii ay qaadi lahaayeen.

Related posts

Wasiirro lagu amray in ay xaadiraan furumaha hore ee dagaalka

Cabdi Cade

Donald Trump oo bogaadiyay Xildhibaan dharbaaxay Wariye Wareesanayay

Cabdi Cade

Shir Muqdisho uga socda Madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---