Saraakiil & dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo lagu duqeeyey Jubada dhexe

Dowladda Somalia ayaa shaacisay in 15 ka mid ah dagaalyahanada Alshabaab lagu dilay tiro kalena ay ku dhaawacmeen duqeyn xalay ciidamada Maraykanku la beegsadeen tuulada Hargeysa yarey ee gobolka Jubadda dhexe.

Wakaalada Wararka  ee SONNA ayaa faafisay in goobta la duqeeyey ay ku shirsanaayeen ku dhowaad 30 ka tirsan Saraakiisha Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa ka dhacday meel 11-km qiyaastii u jirta tuulada Hargeysa Yarey wararka ayaa intaa ku daraya in ilaa sadex gantaal oo xoogan lagu dhuftay goobta ay ku shirsanaayeen Al-shabaab sida SONNA ay daabacday.

Saraakiisha Alshabaab ee shirka joogay ayey wakaaladu sheegtay iney magacyadooda ka mid ahaayeen, Daahir Gacmay, C/raxmaan Takar, Sayid Dheere, C/llaahi Rabbi, Waliid iyo kuwo kale.

Kama hadlin SONNA in Saraakiisha Al-shabaab ee shirka ku jiray ay waxyeelo soo gaartay iyo in kale, mana jiro war dowlada maraykanku ay weerarkan ka soo saartay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -