Dowlada Somalia oo ku fashilantay iney Mukhtaar Roobow ka reebto doorashada KG (Daawo sawirro)

Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur galbeed ayaa maanta ka bilaabay magaalada Baydhabo diiwaan gelinta musharaxiinta u taagan doorashada Madaxweynaha cusub ee maamulkaas.

Musharaxiin dhowr ah oo buuxiyey shuruudaha doorashada ayuu maanta guddiga doorashada gudoonsiiyey shahaadada rasmiga ah ee musharaxnimada.

Waxaa ka mid ahaa Musharaxiintaas Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo shahaadadiisa loo cusbooneysiisay maadaama uu iscasilay guddigii hore ee doorashada oo horey shahaado noocan u siiyey.

Dowlada Somalia oo dedaal xooggan ugu jirtay iney doorashada ka reebto Mukhtaar Roobow ayaa u muuqata iney arintaas ku fashilntay maadaama maanta la siiyey shahaadadiisa musharaxnimo.

Xubnaha kale oo maanta la siiyey Shahaadada waxaa ka mid ah Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) oo si rasmi ah uga mid noqday musharixinta u taagan doorashada Koonfur Galbeed.

Diiwaangelinta Musharaxiinta doorashada KG ayaa ku’eg maalinta beri ah oo ku beegan 26-ka Novembar sida ku cad jadwalka guddiga doorashada, iyadoo 5ta bisha soo socota la qaban doono doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -