Hantiile caan ah oo safar dalxiis hawada sare ku bixinaya $28 malyan oo doolar

Tartan loo galay dhinaca dalxiiska hawada sare ayaa waxaa ku guuleestay Bilyaneer dunida caan ka ah, waxaana safarkaasi dalxiiska ah ku baxaya aduun lacageed oo gaaraya $28 malyan oo doolar.

Aasaasaha shirkadda Amazone Jeff Bezo , ayaa ku guuleestay in safar dalxiis u aado hawada sare, waxa uuna bilyaneerkan dalxiiska hawada sare oo loo adeegsanayo dayax gacmeed ku bixinaya lacag gaareysa $28 malyan oo doolar.

Safarkan dalxiiska ayaa loo adeegsanayaa dayax gacmeed ay sameysay shirkadda Blue Origin, waxaana tartanka loo galay safarka dalxiiska oo la shaciyey Sabtidi  lagu shaaciyey cidda tartanka ku guuleysatay.

Dalxiiskan loo aadayo hawada sare ayaa tartankiisa waxa uu soo jiitay 140-dal,waxaana safarkan dalxiiska uu ku guuleestay Jeff Bezo ku wehlin doona walaalkiis Mark iyo dalxiise kale oon magaciisa la shaacin.

Qoraal kasoo baxay shirkadda Blue Origin ayaa lagu sheegay lacagta malaayiinta dollar ee kasoo xaroota safarkan dalxiiska ee hawada sare waxaa lagu shubi doonaa sanduuqa ay shirkadan leedahay si howlo badan loogu qabto.

Hantiilaha safarkan dalxiiska ku guuleestay ee Jeff Bezo ayaa lacagta uu heesto lagu qiyaasay in ay kor u dhaafeyso  $186.2 balyan oo doolar, waxa uuna kamid yahay dadka aduunka ugu lacagta badan..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -