Allbanaadir.com
NEWS

Qaar kamid ah Shaqaalaha Dowlada oo Deeq Waxbarasho oo Dibadda ah helay (Sawirro)

Dowlada Itoobiya ayaa deeq Waxbarasho oo heer Jaamacadeed ah ugu deeqday qaar kamid ah shaqaalaha dowlada Soomaaliya, kuwaa oo la filayo in ay wax kasoo bartaan Jaamacad kutaala Itoobiya.

Munaasabad kooban oo lagu sagootinayay 22 Arday  oo ka kala socotay hay’adaha kala duwan ee Dowladda ayaa deeq waxbarasho ka helay Jaamacadda shaqalaha Dowladda Itoobiya 2019/2020.

Munaasabadda Ardayda lagu sagootinayay ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiiru Dowlaha wasaaradda waxbarashada  C/raxmaan Maxamuud Jaabir, Safiirka Ethiopia ee Soomaaliya  Amb; Jamaludin Mustafa iyo marti sharaf kale oo lagu casumay.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya , Jamaaludiin Mustaf ayaa sheegay in Dowladda Itoobiya ay diyaar u tahay kordhinta deeqaha waxbarasho ee ay siiso Ardayda Soomaaliyeed.

Wasiiru Dowlaha Waxbarashada waxbarashada C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir, ayaa uga mahad celiyay Dowladda Itoobiya deeqdan, wuxuuna intaa raaciyay in ay ka go’an tahay in ay sii horumariyaan wax barashada Ardayda Dalka.

“Waxaan maanta xaflad sagootin ah u samaynay qaar ka tirsan Shaqaalaha Dowladda oo deeq  waxbarsho ka helay Dalka Ethiopia gaarin ahaan jaamacadda shaqalaha Dowladda Itoobiya 2019/2020, ayuu yiri Wasiiru Dowlaha.

Related posts

Al-Shabaab oo xeelad yaab leh u adeegsatay weerarkii lagu dilay askariga Maraykanka

Caydiid Ali

Israel oo barakacayaal ku xasuuqday teendhooyin (Sawirro)

Caydiid Ali

Max’ed C/risaaq Max’uud oo la wareegay xilkii uu u magacaabay RW Rooble (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---