Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Puntland oo Fariisin muhiim ah kala wareegay Daacish (Sawirro)

Ciidamada difaaca dowlad goboleedka Puntland, ayaa lagu soo waramayaa in dagaal xooggan maanta kula wareegeen deegaanka Turmasaale ee buuraha gobolka Bari, halkaas oo la sheegay in ay difaac adag ku lahaayeen kooxda Daacish.

Afhayeenka hawlgalka la-dagaallanka argagixisada ee ciidamada Puntland S/Guuto Maxamuud Maxamed Axmed, ayaa xaqiijiyay in ciidamada Puntland ku guuleesteen in kooxda Daacish si buuxda uga saaraan xarumihii ay kaga sugnaayeen deegaanka Turmasaale ee buuraha Calmiskaad.

Waxa uu sheegay afhayeenka ciidamada Puntland , in howlgalka maanta lagu jabiyay kooxda Daacish looga dilay 13-xubnood tiro kalana looga dhaawacay, waxa uuna sheegay in ciidamada wali wadaan howlgalka ay ku baacsanayaan firxadka kooxda Daacish.

“Dagaalkii maanta Argagixisada 13-baan uga dilnay, anaga dhankeena laba sarkaal baa midna ku shahiiday midna dhaawac fudud yahay, haddii boqol naga dhimato iyo haddii kun dhintaanba anagu dalkayaga oo lagu soo duulay baan xoraysanayna taas hala ogaado” ayuu yiri  S/Guuto Maxamuud Maxamed Axmed.

Ciidamada Puntland , ayaa guulo waa weyn ka gaaray dagaalka ka socda buuraha gobolka Bari gaar ahaan halka loo yaqaan Calmiskaad, halkaas oo kooxda Daacish ku lahaayeen fariisimo waa weyn, waxaana Daacish howlgalka socda looga dilay xubno aad u badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Kulan Xasaasi ah oo Jigjiga ku dhax maray Odayaal iyo Saraakiil Milatari

Cabdi Cade

Macbarka Rafax oo Galabta la furayo si loo badbaadiyo Nolosha Muwaadiniin Mareykan ah

Cabdi Cade

Faahfaahin: Nin toorey ku hubeysan oo dhimasho & dhaawac ka geystay Birmingham

Caydiid Ali
Taboola Ads ---