Allbanaadir.com
NEWS

Israa’iil oo shaacisay in ay dileen nin khatar ku ahaa Ciidankooda

Millatariga Isra’il ayaa Arbacadii sheegay in ciidankoodu ay Gaza ku dileen nin ay ku sheegeen in uu khatar ku ahaa ciidamadooda, xilli xabbad-joojinta Gaza ee Isra’il iyo Xamaas ay gashay maalinti shanaad.

Waa marki ugu horreysay tan iyo marki ay si rasmi ah xabad-joojinta u dhaqan gashay Axadii, oo ay ciidamada Isra’il sheegaan in ay Gaza ku toogteen qof Falastiini ah. Ma cadda in arrintani ay burrin doono xabbad joojinta iyo in kale.

Xabbad-joojinta ayaa dhigeysa in muddo lix todobaad gudahood ah ay Israa’iil ku deyso boqollaal Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Isra’il, halka Xamas ay sii deyneyso 33 ka mid ah la heystayaasha Isra’il.

Dhanka kale, ciidamada Isra’il ayaa wali ka wada magaalada Jeniin ee dhulka la heysto ee Daanta Galbeed howlgal millatari oo ay ku beegsaneyso dadka Falastiiniyiinta. Ugu yaraan 10 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerarka oo socday labadi maalin ee lasoo dhaafay.

Related posts

Ra’isul Wasaare Khayre oo sheegay cida ka badbaadi karta cudurka Coronavirus

Caydiid Ali

Maxaa looga hadlay shirkii Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia? (Sawiro)

admin

Meydad 30 ka badan oo dayuurad gaar ah lagu geeyey Magaalada Nairobi (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---