Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa looga hadlay shirkii Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia? (Sawiro)

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiiradda oo warbixinno la xiriira xaaladaha Amniga dalka looga dhagaystay Wasiirrada Difaaca iyo Amniga Gudaha.

Wasiirka Gaashaandhiga XFS, ayaa shirka uga war bixiyay halka ay marayaan hawl-gallada lagu baacsanyo argagixisada iyo guulaha wax-ku-ool ah ee ay gaareen ciidamada qalabka iyo dadka deegaanka oo is-kaashanaya.

Golaha Wasiirada ayaa mamnuucay in Ciidanka Xoogga Dalka loo adeegsado wax ka baxsan waajibkooda Dastuuuriga ah.

Dhanka kale, Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa ka warbixiyay xaaladda Abaaraha ee dalka iyo halka ay marayaan hawlaha gurmadka.

Shirka Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira Isgaarsiinta iyo caafimaadka dalka.

Related posts

(Daawo Sawirro) Warar cusub oo ka soo kordhay qaraxii gaari ee ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Daawo Video: “Qaran jabkii ugu waynaa ee dalka ka dhacay yaa sabab u ahaa..?!

admin

Qaar ka mid ah Soomaalida Mareykanka oo taageeray Trump

Caydiid Ali
Taboola Ads ---