Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Meydad 30 ka badan oo dayuurad gaar ah lagu geeyey Magaalada Nairobi (Sawirro)

Haraaga meydadka dadkii ku dhintay shilka diyaaradda Itoobiya ee dhacay bishii Maarso ee sannadkan ayaa lix bilood ka dib la geeyey magaalada Nairobi, waxaana ka hor tagay dad badan oo murugeysan, iyadoo Dadkii ku dhintay shilka 32 ka mid ah ay kasoo jeedeen Kenya.

Diyaaraddii ET302 ayaa xilliggii uu shilka dhacayay kasoo ambabaxday magaalada Addis Ababa waxay ku wajahneyd Nairobi.

Waxaa bilo dhowr ah socday baaritaano dhanka Hidde-sidaha oo lagu sameynayay meydadka 157 qof ee ku dhintay shilkaas.

Diyaaradda waxaa saarnaa dad ka kala soo jeeday ilaa 30 waddan, Tiradii ugu badneyd ee ku dhimatay shilka waxay kasoo jeedeen dalka Kenya.

Xaalad murugo ah ayaa soo wajahday qoysaska 32-kii qof ee Kenyaanka ah ee ku dhintay ka dib markii haraaga meydadka lagu wareejiyey.

Mas’uuliyiinta dalka Itoobiya waxay sheegeen in meydadka la aqoosan waayay lagu aasi doono goobtii uu ka dhacay shilka diyaaradda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

R/W Rooble oo ku fashilmay Qorshihii u tagay Garawe iyo Deni oo labo Shardi ku xiray

Cabdi Cade

Xildhibaano sabab yaab leh uga baxay fadhi ay lahaayeen Baarlamanka France (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo laga cafiyay 30 Malyan doolar oo deyn lagu lahaa (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---