Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal dhimasho geystay oo caawa ka dhacay Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa caawa ka dhacay Dagaal muddo kooban socday oo ka bilowday xaafadaha Garsoor & Wadajir ee Koonfurta magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu dhexmaray ciidamo ka tirsan Galmudug oo maleeshiyo weerar soo qaaday.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaal Beeleedkii ka socday Galbeedka magaalada uu gudaha usoo galay Gaalkacyo.

Hal qof ayaa rasaastaas ku dhintay, xaaladda ayaa sidii hore ka dagan inkastoo cabsi iyo xiisad dagaal ay jirto.

Gaalkacyo ayaa waayadan ku jirtay magaalooyinka ugu nabdoon dhulka Somalida waxayna dhacdada caawa ku soo aadeysaa xili siyaasiyiin iyo waxgarad ka tirsan Galmudug iyo Puntland ay wadaan dedaalo lagu qaboojinayo xiisada ka taagan galbeedka Gaalkacyo

Related posts

Dowlada oo ka hadashay Warar been abuur ah oo NISA ka qoreen Warbaahinta Kenya

Cabdi Cade

Booliiska Soomaaliya oo Muqdisho ku qabtay gacankudhiigle baxsad ahaa

Cabdi Cade

Mid ka mid ah dalalka Yurub oo sharci daro ka dhigay in la gubo Qur’aanka kariimka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---