Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska Soomaaliya oo Muqdisho ku qabtay gacankudhiigle baxsad ahaa

Ciidanka booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka howlgala saldhigga degmada Warta Nabadda ayaa gacanta ku dhigay nin gacankudhiigle baxsad ahaa, kaa oo muddooyinkan booliiska baadigoob ugu jireen.

War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ciidamada ka howlagala saldhigag Warta Nabadda soo qabteen dilaa Axmed Maxamed Culusow oo  9/9/2023 ku dilay Warta Nabadda marxuum Mahad Cabdi Maxamuud.

Taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa sheegay in eedeysanaha dilka loo heesto hadda gacanta booliiska uu ku jiro kuna socdaan baaritaan, waxa ayna cadeeyeen in si deg deg ah maxkamad loo horgeyn doono.

Ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa marar badan gacanta ku dhigay rag dilal kala duwan magaalada Muqdisho iyo deegaanno ka baxsan ka geestay, kuwaa oo doonayay in ay ka baxsadaan gacanta laamaha ammaanka iyo Caddaaladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Abiy Ahmed oo shaaciyey in la fashiliyey weeraro Al-Shabaab ka fulin rabtay Itoobiya

Caydiid Ali

Wasiir Beyle oo la kulmay Madax ka socotay Bangiga Horumarinta Afrika (Sawirro)

Caydiid Ali

Mdaxweyne Farmaajo oo booqasho xasaasi ah beri ku tagaya dalka Jabuuti

Caydiid Ali
Taboola Ads ---