Dowlada oo ka hadashay Warar been abuur ah oo NISA ka qoreen Warbaahinta Kenya

Qaar kamid ah Wargeysyada caanka ah ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa daabacay warbixin dacaayad ah oo ka dhan ah Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA.

Wargeysyada The Star iyo Standard Media ayaa qoray in xiriir hoose ka dhaxeeyo Hay’adda NISA iyo Xarakada Al Shabaab , waxa ayna Wargeysyadan qoreen in NISA dhaqaale badan ku taageertay Al Shabaab.

Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa war ay soo saartay ku beenisay warkan lagu qoray Warbaahinta dalka Kenya ee looga been abuurtay Hay’ada NISA iyo madax katirsan Hay’adaasi.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxay aad uga walaacsan tahay faafinta warar beenta iyo marin-habaabinta ah ee ku saabsan hey’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo ay daabaceen wargeysyada Kenya” ayaa lagu yiri Qoraalka Dowlada.

Dowladda  Soomaaliya ayaa ku baaqday in laga fogaado wararka borobogaanka ah oo la xiriira NISA,sidoo kale warbaahintu waxay ku boorisay in aragti fiican ay ka qaataan arrintan oo kale ,islamarkaana ay ka fogaadan war aan la hubin oo bulshada marin habaabin kara.

”Hay’adda NISA waxaa ka go’an in ay sii waddo dagaalka lagula jiro Al-shabaab,sidoo kale wararka been abuurka ah warbaahinta Kenya ay tabisayna waa mid la doonayo in lagu dhaawoco Hay’adda”. ayaa lagu yiri warkan ay soo saartay Dowladda Soomaaliya.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa marar badan baahisay warbixino been abuur ah oo lagu dacaayadeenayo Hay’adaha dowlada iyo masuuliyiin, waxaana wararkaasi dacaayadaha mararka qaar warbaahintaasi lagu siiyay lacago laaluush ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -