Sawirrada koox haweeney Talyaani ah ka afduubtay Kenya oo la soo bandhigay (Sawirro)

Magacyada iyo Sawirada saddex nin oo lagu eedeynayo inay ka dambeeyeen afduubka haweeney u dhalatay dalka Talyaaniga ayaa waxaa soo bandhigay booliska Kenya

Haweeneydan oo lagu magacaabo Silvia Costanza Romano oo 23 sano jir ah ayaa Arbacadii laga afduubtay degaanka Kilifi county ka dib markii ay weerar ku soo qaadeen lix rag ah oo hubeysan.

Booliska Kenya ayaa u ballanqaaday lacag abaalmarin ah oo gaareysa hal malyan oo shillinka Kenya ah ama  qofkii keena xog horseedi karta in la soo badbaadiyo haweeneydan lana soo badbaadiyo, lana soo qabto kooxdii afduubatay.

Ma jiro illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyada afduubka iyadoo ay tahay markii ugu horeysay oo qof ajnabi ah lagu afduubto dalka Kenya muddo sanado ah.

haweeneydan ayaa ka mid ahayd shaqaalaha hay’ad samafal oo la shaqeynaysay ururka aan dowli ahayn ee Africs Milele Onlus taasoo ka shaqeysa daryeelka iyo waxbarashada caruurta.

Bogga Twitterka ciidamada Booliska Kenya ayaa la soo dhigey sawirada iyo magacyada saddex nin ee la tuhunsan yahay kuwaasoo magacyadooda lagu kala sheegay Said Adan Abdi, Ibrahim Adan Omar iyo Yusuf Kuno Adan.

Lama oga illaa hadda goobta lagu hayo haweeneydan, siidoo kale boolisku ma sheegin  in kooxda afduubatay ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab iyo in kale, iyadoo so xowli ah uu ku socdo howlgal lagu baadi goobayo haweeneydan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -