Wareegto ka soo baxday Duqa Muqdisho oo xilka looga qaaday Gudoomiye degmo (Aqriso)

Warar goor dhaw na soo gaaray ayaa sheegaya in Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) uu xilka ka qaaday Gudoomiyihii degmada Shangaani Shariif Faadil Cabdiraxmaan Xuseen oo todobaadyo ka hor xilkaasi loo magacaabay.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa lagu xaqiijiyey  xil ka qaadista Gudoomiyaha degmada Shangaani oo maalmo kooban xafiiska fadhiyay.

Sababta xilka looga qaaday gudoomiyihii degmada Shingaani ayaa lagu sheegay inuu gudan waayey xilkii uu bulshada u hayey, isla markaana uu hor joogsaday howlihii haweenka nadaafada iyo dhalintii fanka ee degmadaas Sida ku xusan wareegtada ka soo baxday duqa Muqdisho.

Mid ka mid ah gudoomiye ku xigeenada degmada Shangaani Marwo Sahra Shiikh Maxamed Amiin ayaa si KMG ah loogu magacaabay iney xilkaasi sii hayso inta guddoomiye kale loo magacaabayo degmadaas.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -