Allbanaadir.com
NEWS

Xamse Barre oo shaaciyay in tallaabo laga qaadayo Masuuliyiinta ku xad-gudba…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Haweenka Soomaaliyeed ay door muuqda ku leeyihiin Xukuumadda DanQaran, dhawaana ay heli ka heli doonaan xuquuqda ay ku leeyihiin Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha iyo hey’adaha kala duwan ee dowladda.

Mudane Xamsa, ayaa hoosta ka xarriiqay in uusan xil ka hayn doonin Xukuumadda DanQaran, masuul walba oo ku xadgudba xaquuqda dumarka Soomaaliyeed, isaga oo intaas ku daray in xukuumaddu ay ansixisay sharciyadii lagu ilaalinayey xuquuqda haweenka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha, oo xusay kaalinta ay haweenku ku leeyihiin dowlad-dhiska iyo tayeynta hey’addaha Qaranka, ayaa ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan doorashooyinka qof iyo codka ah ee dalka laga qabanayo, si ay u soo doortaan dumarkooda aqoonta leh ee wax u taraya dalka.

“Haweenku waa laf-dhabarta Qarankeennu ku tiirsanaa waqtiyo adag oo la soo maray, sidaas awgeed, waxaan doonaya in aan u mahadceliyo, kuna dhiirrigeliyo dedaalkooda naf-hurnimada ah iyo shaqada culus ee ay dalkooda u hayaan”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha, oo ku bogaadiyey haweenka Soomaaliyeed kaalintooda muhiimka ah ee ku aaddan dowlad-dhiska, ayaa ugu baaqay shirkadaha gaarka loo leeyahay in ay fursad siiyaan haweenka aqoonta leh, si kor loogu qaado shaqo abuurka iyo awoodsiinta dumar.

Related posts

Gudoomiyaha Golaha shacabka iyo David Concar oo kawada hadlay arimo muhiim ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Maraykanka (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Erdogan oo Jeediyay hadal Dareenka dad badan wax ka bedelay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---