Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Khilaafka Madaxda Galmudug oo gacan ka hadal gaaray & dagaal ka dhacay duleedka Cadaado

Ciidamo ka wada ka tirsan maamul goboleedka Galmudug oo kala taabacsan madaxda iskhilaafasan ee maamulkaasi ayaa xalay ku  dagaalamay duleedka Magaalada Cadaado.

Sida warku sheegayo dagaalka ayaa ka dhacay degaan u dhow magaalada Cadaado, kadib markii ciidamo ka tegay magaalada Gaalkacyo oo taabacsan madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf, kuna sii jeeday Dhuusamreeb ay is-hortaag ku sameeyeen ciidamo kale oo ku sugnaa Duleedka magaalada Cadaado oo la sheegay inay taageersan yihiin Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug oo fadhigoodu yahay Cadaado.

Iska hor imaadka ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay hal askari, iyadoo ay ku dhaawacmeen laba askari oo kale, waxaana markaas kadib xaaladda qaboojiyey saraakiil ka tirsan ciidamada oo arrinta soo dhex galay.

Wararka ayaa sheegay in ciidamada hubeysan oo ka tegay magaalad Gaalkacyo loo diiday inay galaan Magaalada Cadaado, taasoo ka dambeysay khilaafka siyaasadeed ee madaxda Galmudug oo haatan maraya heerkii ugu sareeyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Kheyre oo la kulmay Xoghayaha Hantidhowrka Maraykanka iyo Madax katirsan IMF iyo Bangiga Aduunka (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Duulimaadyadii Somalia ee ay xayirtay Kenya oo xeelad cusub loo helay & Farmaajo oo..

Caydiid Ali

Kim Jong un iyo Putin oo markii ugu horeesay kulmay iyo Heshiis la gaaray (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---