Nin Bambo wata oo dalbaday in uu la kulmo Madaxweyne Emmanuel Macron

Nin bambo gacmeed ku hubeesnaa kana qeyb qaadanyay banaan baxyo ka socdo qeybo kamid ah dalka Faransiiska ayaa dalbaday in uu la kulmo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

War kasoo baxay booliiska Faransiiska ayaa lagu sheegay in ay xireen nin 45-sano jir ah oo watay bambo gacmeed, waxa ayna booliiska sheegeen in uu ninkan dalbanayay in gurigiisa kula kulmo Madaxweyne Macron si uu ugu gudbo cabashada dadka banaan baxa dhigaya.

Ninkan bambada gacanta ku watay ayaa xirnaa darees ay wataan dad banaan baxyo ka dhigaya qeybo kamid ah Faransiiska, waxaana ninkan hareereeyay booliiska kuwaa oo markii dambe xabsiga dhigay.

Booliiska Faransiiska ayaa sheegay in baaritaano lagu sameenayo bambada uu watay ninkan dalbaday in uu la kulmo Madaxweyne Emmanuel Macron, waxa ayna booliiska sheegeen in bambada u muuqatay mid aan faalso aheyn.

Dalka Faransiiska waxaa ka socda dibad baxyo looga soo horjeedo qiimaha shidaalka oo sare u kacay, waxa ayna dadka banaan baxa dhigaya ka dalbadeen Madaxweynaha Faransiiska in uu arinkan wax ka qabto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -