Wasiir Beyle oo shaaca ka qaaday 50-Milyan oo Sacuudiga ugu deeqay Somalia lagu shubay Bangi kuyaala…

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta hortagay xildhibaanada golaha Shacabka, waxa uuna iska difaacay eedeymo uga yimid guddiga maaliyadda Golaha Shacabka.

Wasiir Beyle ayaa mid been abuur iyo malo awaal ku tilmaamay warbixintii ay soo saareen guddiga maaliyada xildhibaanada golaha shacabka, waxa uuna sheegay in xubno guddiga kamid ah ku heestaan in uu u fuliyo mashruuc gaar ah.

Waxa uu sheegay Wasiirka in nasiib daro tahay in guddiga iyaga oon la tashan ay warqad inta qoreen Warbaahinta u diraan, waxa uuna xusay in warbixinta guddiga soo saareen niyad jab ku abuurtay.

Wasiirka Maaliyada ayaa sidoo kale ka hadlay lacag 50-Milyan oo dollar oo Boqortooyada Sacuudiga ugu deeqday dowlada Soomaaliya, waxaana lacagtaasi la sheegay in la musuq maasuqay oon bangiga dowlada aysan kusoo dhicin.

Mr Beyle ayaa shaaca ka qaaday in lacagta 50-ka milyan ee Sacuudiga siiyay Soomaaliya aysan ku dhicin Bangiga Dhexe ee dowlada, waxa uuna xusay in lacagtaasi lagu shubay bangi kuyaala dalka Turkiga halkaasna laga maamulay.

Guddiga Maaliyada iyo miisaaniyada golaha Shacabka Soomaaliya ayaa warbixin dheer ay dhawaan soo saareen ku sheegay in uu khaladaad ka jiro xisaab xirka miisaaniyada sidoo kale jiraan lacago malaayiin dollar ah oon la ogeyn halka ay ku baxday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -