Allbanaadir.com
NEWS

Taliye Shanbaloolshe oo shaaciyay in la qarameenayo maleeshiyaad kasoo jeeda…

Agaasimaha Hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed  Sanbaloolshe, oo duleedka magaalada Beledweyne kula hadlay boqolaal  ka tirsan ciidanka deegaanka , ayaa sheegay in laga heshiiyay khilaafyadii ka dhex jiray dadka deegaanka ee Beledweyne,

Waxa uu sheegay Sanbaloolshe in aan dib loogu laaban oo bulshada ay kawada shaqeyaan hormarka deegaanka, waxa uuna ciidanka deegaanka ugu baaqay in mar kale diyaar u noqdaan dagaal ka dhan ah kooxda Al Shabaab.

Sanbaloolshe, ayaa Sidoo kale  carrabka ku adkeeyay in ay dowladdu qarameyn doonto ciidamada deegaanka ee kasoo jeeda beeshiisa Xawaadle, loona baahanyahay maanta wixii ka danbeeyo inay isku diyaariyaan in ay qeyb ka noqondaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

“Waxaan ka shaqeyn doonnaa si kasta oo ay suurtagal u tahay in aan idin qaranmeyno, dowladnimada aad horay u gashaan ee aad daraf ka taagnaanin.” ayuu yiri Taliyaha nabad sugidda NISA, Cabdullaahi Sanbaloolshe.

Agaasimaha Hay’adda NISA ayaa tilmaamay in si guud loogu wada shaqeeyo ammaanka deegaanka, isaga intaa raaciyay in ay qeyb weyn ka qaadan doonaan raadinta xuquuqdooda mid nololeed iyo mid saanad hub la xiriirtaba, si ay qeyb uga noqdaan difaaca deegaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne la been abuuray saxeexiisa, kaddib markii uu diiday inuu shuruuc xasaasi ah saxeexo

Cabdi Cade

Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo war kasoo saaray Doorashada Axmed Madoobe

Cabdi Cade
Taboola Ads ---