Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Waxaa goordhaw qarax ismiidaamin ah oo la sheegay in uu fuliyay ruux waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray uu ka dhacay isgooska Ceelgaabta gaar ahaan goob ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan dowlada.

Qaraxan oo jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in uu fuliyay ruuxa waxyaaba qarxa isku soo xiray, kaa oo dhax galay ciidamo ku sugnaa koontaroolka Ceelgaabta.

Sida aan wararka ku helnay qaraxan ayaa dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay xiray ciidamada ammaanka oo halkaasi baaritaano kawada.

Qaraxan ayaa imaanaya xilli wadooyinka magaalada Muqdisho qaarkood saakay xiran yihiin gaar ahaan aaga uu qaraxu ka dhacay, mana jiro ilaa hada wax war ah oo booliisku kasoo saaray qaraxan goordhaw dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Akhriso : Tirada Xildhibaanada cusub ee Galmudug iyo Sida beelaha u qeybsanayaan

Cabdi Cade

Ciidamada Cirka Pakistan oo soo riday labo kamid ah Diyaaradaha dagaalka Hindia

Cabdi Cade

Sidee dowladda ka yeeleysaa Malaayiinta Dollar ee Al shabaab laga xayiray?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---