Allbanaadir.com
NEWS

Ruushka oo dejiyay istaraatiijiyad uu rabo in uu ku ballaariyo saameyntiisa afrika

Ruushka wuxuu dib usoo nooleynaya istiraatijiyadii u suragelisay midowgii Soofiyeeti, markii ay isku ballaarinayeen caalamka, kaddib markii la arkay inay Moscow door siinayso ardaydii Afrikanka ee deeqaha waxbarasho ka helay Ruushka , kuwaasoo hadda gacan ka siinaya inuu Ruushka isku ballaariyo Afrika.

Moscow , waxay taageero diblomaasiyadeed iyo dhaqaalo siinaysa ardayda wax ka bartay gudaha Ruushka ee Afrika , si ay u noqdaan buundada isku xiraysa Ruushka iyo Afrika, xilli mar horaba uu Ruushka awooday inuu helo dareenka waqooyiga Afrika oo iska cayriyay Faransiiska oo ay ku soo dhaweeyeen saldhigyada uu ka baxay Ruushka.

Mid ka mid ah ujeeddooyinka dalalka ay u baraan luuqadooda, sidoo kalena ay u bixiyaan deeqaha waxbarashada waa mid lagu gaarayo mustaqbalka ama waqti dhow in shaqsiyaadka ka faa’iideysanaya deeqaha waxbarasho ay door ku yeeshaan sidii ay u fududeyn lahaayeen danaha dalalkooda iyo dalka ay sida bilaasha ah wax uga soo barteen.

Dowladda Ruushka ayaana qorsheeneysa in ay kordhiso saaneynta ay ku yeelaneyso waddano hor leh oo kuyaalla Qaarada Afrika, waxa ayna hadda diyaarinayaan dhallinyaro ay la rabaan in mustaqbalka in ay la wareegaan hoggaanka dalalkooda, si rabitaankooda u fuliyaan dhallinyaradaasi.

Related posts

Xog Dheeraad ah oo kasoo korortay Qaabkii uu ku baxsaday Wasiir Janan

admin

Sidee ku dhacday in Itoobiya lagu celiyo Taaj la xaday boqolaal sano ka hor? (Sawirro)

Caydiid Ali

Musharaxa ugu Saameynta badan Doorashada Puntland oo Garawe gaaray (Daawo Sawirada)

admin
Taboola Ads ---