Turkiga oo bilaabaya dhismaha 10-kun guri oo laga dhisayo Muqdisho

Dowlada Turkiga ayaa horey ugu balan qaaday dowlada Soomaaliya in dalka ay ka fulineyso mashaariic horumarineed sida dhismaha 10-kun oo guri oo laga dhisayo qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Turkiga ayaa sanado kahor joojiyay mashaariic kala duwan uu Soomaaliya ka fulinayay sida dhismaha wadooyinka, waxaana hada mar kale la filayaa in Turkiga dib u bilaabaan mashaariic dalka lagu horu marinayo gaar ahaan caasimada.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhigiisa Turkiga oo shalay kulan yeeshay ayaa isku afgartay in la bilaabo fulinta mashaariic horumarineed oo ay hore u kala saxiixdeen labada dal, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha 10,000 oo guri.

Dhismaha guryahan oo si casri ah loo dhisayo qeybna ka qaadanaya horumarka caasimada waxaa fulineysaĀ  Hayā€™adda TIKA ee dalka Turkiga laga leeyahay, waxaana la filayaa in Hay’adan dhawaan qiimeyn ku sameyso goobaha ku fiican in guryahaasi laga dhiso.

Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii dambe waxaa ka socday dib u dhis balaaran , waxaana la filayaa hadii ay Turkiga Muqdisho ka dhisaan 10-kun oo guri in caasimada si weyn looga dareemi doono bilic iyo hurumar weyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -