Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xabad joojin ka dhaqan gashay Sudan iyo xaalada Khartuum oo xasiloon

Waxaa degan xaalada caasimadda dalka Sudan ee Khartoum, ka dib markii uu dhaqan galay heshiis xabbad-joojin oo lagu dhawaaqay.

Heshiiskan ayaa soconaya 72 saacadood, iyadoo ay isla oggolaadeen ciidammada dawladda – oo ah Ciidamada Qalabka Sida ee Sudan (SAF), iyo kooxda militariga ee Taageerada deg degga (RSF).

Ilaa hadda ma jiraan cabashooyin ku saabsan xadgudubyo lagu sameeyey xabad joojinta, mana jiraan rasaas iyo qaraxyo la maqlayo.

Todobo qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen weerar cirka ah oo ka dhacay koonfurta caasimadda, ka hor inta aan heshiiska lagu dhawaaqin.

Goobjooge ayaa u sheegay shabakadda wararka ee Darfur 24, in tobanaan qof ay ku dhaawacmeen duqeyn cirka ah oo lala beegsaday deegaanka Kalakla.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa qorsheynaya inuu kulan ka yeesho maalinta Talaadada ah, si uu uga wada hadlo dagaalka Sudan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Ra’isul Wasaare Kheyre oo maanta kormeer ku tagay sadex Xarumood

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo xilal u Magacaabay mas’uuliyiin cusub (Magacyada)

Caydiid Ali

Dowladda oo mamnuucaysa dawooyin loo isticmaalo Maandooriyaha

Cabdi Cade
Taboola Ads ---