Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay tahay xarunta cusub ee uu xariga ka jaray Taliyaha Booliska Somalia? (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo Madaxa Hay’ada EUCAP ayaa xarig jaray xarunta farsamada doomaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Ciidanka Booliska oo lagu soo kordhiyay.

Taliyaha, ayaa kulan laqaatay saaxiibada gacanta ka siiyay Ciidanka ee ka caawiya Agabka Ciidanka iyo sare u qaadidda tayada Farsamo ee Ciidanka iyo kaabista howlaha Ciidanka, iyada oo ay wax badan ka badalidoontoo cilad bixinta Doomaha iyo gargaarka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxa Hay’ada EUCAP ayaa sheegay in xaruntan cusub ay soo saari doonto qalabka ay ku howlgeli doonaan ciidanka ilaalada xeebaha ee Booliska sida doonyaha iyo waxyaabo kale, isagoo xusay iney sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Booliska DF.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa Hay’ada EUCAP uga mahad celiyey dhismaha xaruntan cusub oo uu sheegay iney wax badan ka tareyso sugida amaanka xeebaha dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo Shaaciyay Qorshayaal dowladda Federaalka damacsaneed uu kahor yimid

Cabdi Cade

Cali Guudlaawe oo kulan xasaasi la qaatay Taliyeyaasha Ciidanka ATMIS (Sawirro)

Caydiid Ali

Shidaalkii ugu horeeyey tan iyo bilowgii dagaalka oo u gudbay Gaza

Caydiid Ali
Taboola Ads ---