Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo ka dalbaday Aadan Madoobe meelmarinta maqaamka Caasimadda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan is xogwarwsi xafiiskiisa kulan kula qaatay guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, kaas oo uu goob joog ka ahaa Xoghayah guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri).

Guddoomiyaha golaha Shacabka ayaa ugu horeyn guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ugu hambalyeeyay xilka guddoomiyanimo isaga oo kula dardaarmay inuu xooga saaro sidii shacabka caasimadda ay u heli lahaayeen adeegyada ay xaqa u leeyihiin oo ay dowladda uga baahanyihiin Iyo horumarinta Caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa guddoomiyaha Golaha Shacabka uga mahadceliyay qaabilada iyo hambalyada , waxa uuna ku amaanay shaqada uu umadda Soomaaliyeed u hayo.

Duqa Muqdisho ka dalbaday guddoomiyaha Golaha Shacabka sidii uu baarlamaanka u meel marin lahaa maqaamka caasimadda iyo bulshada gobolka Banaadir ee dhowrka milyan ay u heli lahaayeen matalaad siyaasi ah oo la mid ah Dowlad goboleedyada xubnaha ka ah DFS.

Related posts

Yey Libinta Siisay Go’aanadii kasoo baxay Shirkii Dhuusomareeb 3 (Wax badan ka Ogow)

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo ka farxiyay Boqolaal qof oo xaalku ku xumaa (Sawirro)

Cabdi Cade

Duq Magaalo oo iska dhigay Curyaan Sabool ah iyo Sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---