Aadan Madoobe oo u mahad celiyey shacabka iyo Dowlada Shiinaha (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan dowladda, ayaa ka qeyb galay sanad guurada 74-aad ee Maalinta Qaranka Shiinaha, waxaana goob joog ka ahaa diblomaasiyiiinta dowladaha caalamka u jooga dalkeena.

Safiirka Dowladda Shiinaha u jooga dalka Amb. Fei Shengchao oo ugu horeyn xaflada ka hadlay ayaa sheegay in maalintan ay qiimo weyn u leedahay dalka Shiinaha, sidoo kale xiririka Afrika iyo Shiinaha ayuu ku muujiyay in Shiinaha muhiimad gaar ah siinayso xiriirka uu la leeyahay Afrika. Danjirah ayaa xusay in  Shiinaha uu diyaar u yahay xoojinta xiriirka uu Soomaaliya la leeyahay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo gabagabada munaasabadda ka hadlay ayaa dowladda iyo shacabka Shiinaha uga mahadceliyay garab istaagooda ku aaddan  dalalka Afrika gaar ahaan Soomaaliya.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya hada ay ku jirto dagaal ka dhan ah al-shabaab loona baahan yahay dowladaha caalamka in ay dowladda Soomaaliya dagaalkaas ku garab siiyaan si guud ahaan dalka looga xorreeyo.

- Advertisement -