Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiirada wax ka beddel ku sameeyay xeerka habka ciqaabta Soomaaliya

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyay wax ka beddel lagu sameeyay xeer ay dhawaan usoo gudbisay Wasaaradda Caddaaladda Soomaaliya.

Wasiiradda ayaa si aqlabiyad leh  u ansixiyey wax ka beddelka xeerka habka ciqaabta iyo siyaasadda Qaran ee dhismaha machadka sare ee tababbarka iyo horumarinta sharciga oo ay soo gudbisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriirra, horumarka laga sameeyay dhanka diblomaasiyadda iyo xiriirka caalamiga ah, Amniga iyo Dhaqaalaha dalka.

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya, ayaa maalin walbo oo Khamiis ah yeesha kulankooda caadiga ah, waxa ayna kulamadan Wasiiradda ku ansixiyaa  sharcociyo iyo xeer ay soo gudbiyaan Wasaaradaha qara, waxa ay sidoo kale diirada ku saaraan xaaladaha dalka ka jira mararka qaar.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Imaaraadka iyo Isra’il oo Heshiis Xasaasi ah gaaray iyo Madaxweyne Trump oo ka hadlay

Cabdi Cade

Golaha Deegaanka Liverpool oo dal u aqoonsaday Somaliland

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo Daah-furay Mashruuca Biyo bixinta iyo Faara bixinta Waraha (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---