Allbanaadir.com
NEWS

Shacabka Puntland oo loo diray baaq ka dhan ah kooxda Daacish

Maamulka Puntland ayaa guud ahaan dadweynaha ugu baaqday in ay soo gudbiyaan xogta ku saabsan dhaq dhaqaaqa kooxaha argagixisada ah ee ka firxanaya hawlgalka Calmiska.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Karkaar G/sare Xuseen Cali Maxamuud oo hadal kooban jeediyay ayaa dhammaan dadweynaha ugu baaqay in ay taxaddar dheeri ah ka muujiyaan dhaq dhaqaaqa firxadka argagixisada ka baxsanaya hawlgalka buuraleyda gobolka Bari.

G/sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa baaqan u jeediyay shacabka ku dhaqan xeebaha iyo degaannada fog fog ee Puntland gaar ahaanna xeebaha iyo tuulooyinka gobolka Karkaar oo uu ka codsaday in ay sida ugu dhakhsaha badan u soo gudbiyaan wixii xog ah ee ku saabsan dhaq dhaqaaqyada looga shakiyo firxadka argagixisada Daacish.

Maamulls Puntland ayaa hawlgalkii ugu xooggana ku qaaday buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari oo ay ku dhuumaaleystaan mileeshiyaadka kooxaha Daacish halkaasi oo ciidamadu jiho kasta ka go’doomiyeen si aysan cidna uga baxsan.

 

Related posts

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed oo kulan qarsoodi ah la qaatay xubno ka tirsan TPLF

Caydiid Ali

Beesha Caalamka oo digniin culus ka soo saartay doorashada beri ka dhaceysa Kismaayo (Akhriso)

Caydiid Ali

Shiinaha ballanqaadyo muhiim ah u sameeyay maamulka Gobolka Banaadir (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---