Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed oo kulan qarsoodi ah la qaatay xubno ka tirsan TPLF

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa wadahadalo qarsoodi ah la yeeshay wakiillo ka socday Jabhadda Tigreega ee TPLF intii uu booqashada ku joogay dalka Nigeria oo uu todobaadkii hore sida ay baahisay Shabakad gaar loo leeyahay oo laga leeyahay dalka Itoobiya.

Warbaahinta dowladda Itoobiya iyo kuwa Nigeria , ayaa safarkiisa ku tilmaamay mid ujeeddadiisu tahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, sayniska iyo farsamada, iyo waaxda macdanta, iyo kuwo kale.

Shabakadda Borkena ayaa intaa ku dartay in kooxda TPLF ay wafdi heer sare ah u dirtay Nigeria si ay wadahadalada uga qayb galaan.

Berhane Gebrekirstos oo ka tirsan ururka TPLF, horena u ahaa xubin dhanka fulinta ah,  ahaana safiirka Itoobiya ee Maraykanka iyo ka dib Midowga Yurub, ayaa kooxda TPLF u matalay wadahadalkii qarsoodiga ahaa ee ka dhacay Nigeria.”

Lama oga illaa hadda natiijada ka soo baxday wadahadalkaas, mana jiro war ay ka soo saareen dowlada Itoobiya iyo TPLF.

TPLF ayaa dhawaan ku hanjabtay inay soo gabagabeyneyso diyaar garow dagaal oo lagu soo afjarayo go’doominta ay gobolka Tigray ciidamada federaalka Itoobiya iyo kuwa huwanta ah ku hayaan.

 

- Advertisement -