Beesha Caalamka oo digniin culus ka soo saartay doorashada beri ka dhaceysa Kismaayo (Akhriso)

War caawa kasoo baxay wakiilada beesha caalamka ee arrimaha Soomaaliya ayaa looga digay in doorashada madaxweyne ee Berri ka dhaceysa Kismaayo ay sababto qalalaase iyo gacan-ka-hadal.

Qoraalka oo ay soo wada saareen wakiilada Beesha Caalamka ee kala ah: Q/Midoobay, Mareykanka, Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD, AMISOM, Itoobiya, Infgiriiska, Canada Finland, Germany, Italy, Kenya, Holland, Norway, Sweden, Turkey iyo Uganda ayaa lagu sheegay in dhammaan dhinacyada ay quseyso Doorashada Jubbaland ay la kulmeen wakiilada Beesha Caalamka, si ay ugu dhiirigeliyaan inay gaaraan heshiis keena hal nidaam doorasho oo loo dhan yahay, xor iyo xalaal ah, kuna dhaca nabadgelyo.

“Waxaan ka welwelsanahay in heshiiskaas oo meesha ka maqan ay suuragal tahay xasilooni darro iyo kala qeybsanaan ku timaada Jubbaland..” ayaa lagu yiri qoraalka Beesha caalamka oo dhinaca kale caddeysay in Doorashada la qorsheeyay 22-ka bishan Ogost darteed ayey ugu baaqday dhammaan dhinacyada Jubbaland inay ka waantobaan fal kasta oo keeni kara qalalaase iyo gacan-ka-hadal.

Waxaa qoraalka Beesha caalamka lagu soo dhoweeyay dadaalka AMISOM ku dooneyso inay ku abuurto xaalad nabadgelyo, waxaana lagu dhiirigeliyay inay xiriir iyo wada shaqeyn yeeshaan ciidamada ku wada sugan magaalada Kismaayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -