Allbanaadir.com
NEWS

Xabad Kalluun ah ma ku iibsan laheyd $1.3 milyan oo Dollar?

Maqaayadaha sameeya cunnada sushi ee magaalada Tokyo ee dalka Japan ayaa sheegay in lacag dhan 207m yen ($1.3m; £1m) ay ku iibsadeen kalluunka nooca tuunada bluefin

Kaluunkan oo cabbirkiisa dhan yahay mooto ayaa culeyskiisa waxaa uu gaaraya illaa 276kg waana noocyada ugu qaalisan kaluunka nooca loo yaqaano Tuna

Waa qiimihii labaad ee ugu badnaa ee abid lagu iibsado kalluun kadib tartanka sanadka cusub oo ka dhacay suuqa kalluunka Toyosu ee caasimadda Japan.

Onodera Group, oo ku guuleysatay tartanka, ayaa sheegtay in tuunada  lagu iibin doono maqaayadaha qaar ayna iibsan karaan oo kaliya dadka maalqabeenka ah.

 



Related posts

Madaxwe Xaaf oo R/W Kheyre kusoo dhaweeyay Deegaanka Godinlabe (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Taliska NISA oo shaaciyay iney Muqdisho ku laayeen 12 ka tirsan kooxda Al-Shabaab

Caydiid Ali

Dagaalyahano Suuriyaan ah oo ku biiray dagaalka u dhaxeeya Dalalka Azerbaijan & Armenia

Cabdi Cade
Taboola Ads ---