Madaxwe Xaaf oo R/W Kheyre kusoo dhaweeyay Deegaanka Godinlabe (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha maamulka Galmudug ay wehliyaan Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa deegaanka Godinlabe ee duleedka magaalada Cadaado kusoo dhaweeyay Ra’isul Wasaare Kheyre iyo wafdiga la socda.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo kasoo ambo baxay magaalada Dhuuso Mareeb ayaa galabta soo gaaray deegaanka Godinlabe, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Xaaf iyo Madax la socotay.

Wafdiga Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa goordhaw usoo ambo baxay dhinaca magaalada Cadaado oo la filayo in caawa uu ku hoydo kulamana kula qaato Madaxweyaha Galmudug iyo Xildhibaanada halkaasi jooga.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkaaga dambe Insha Allah

- Advertisement -