Allbanaadir.com
NEWS

Xisbiyada Mucaaradka oo goordhaw ku dhawaaqaya Isbahaysi cusub (Daawo Sawirada)

Waxaa goordhaw la filayaa in qaar kamid ah xisbiyada mucaaradka ee ku dhawaaqaan Isbahaysi cusub ay ku mideesan yihiin , si ay u muujiyaan saameynta iyo awooda siyaasadeed ee dalka ku leeyihiin.

Xisbiyadan ay qaarkood hogaamiyaal qaar kamid ah Madaxweynayaashii dalka soo maray sida Xasan Sheekh , Sheekh Shariif iyo siyaasiyiin caan ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay shirar waxa uu uga socday magaalada Muqdisho.

Waxaa goordhaw la filayaa in Xisbiyadan Warbaahinta la hadlaan ayna shaaciyaan isbahaysiga cusub ay ku mideesan yihiin , waxaana Warbaahinta looga yeeray goobta ay shirka ku leeyihiin.

Xisbiyada la filayo in Isbahaysiga cusub ku dhawaaqaan ayaa kala ah Xisbiyada Wadajir, Himilo Qaran, UPD, Ilays , xisbiyadan ayaana horey xiriir dhaw u lahaa waxa ayna si wadajir ah usoo saari jireen War Murtiyeedyo.

Related posts

Alle dile unbaa dhinta: labo xabad ayaa madaxa uga dhacday mana dhiman ninkan!

Cabdi Cade

Xulka France oo ku guuleystay Koobka Adduunka iyo dabaaldegyo ka socda Paris (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

WHO oo ku dhawaaqay xaalad degdeg ah kaddib markii …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---