Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Telfoon kula hadlay labo Madaxweyne iyo Amiirka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan, Amiirka dalka Qatar Mudane Xamad Binu Tamiim iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha ayaa ka guddoomay Madaxda hambalyo ku aaddan Ciidda barakaysan ee Carafa, iyagoo u rajeeyey shacabka Soomaaliyeed horumar iyo sannado barwaaqo ah, waxayna muujiyeen taageerada ay u hayaan dowladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaliya.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Madaxda dalalka Turkiga, Qatar iyo Jabuuti sida walaalnimada ah ee ay ugu hambalyeeyeen Madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidda Carafa, waxa uuna tilmaamay dadaalka ay dowladdu gelinayso kobcinta xiriirka ay la leedahay dalalka walaalaha ah ee soo garab istaagay xilliyada adkaa.

Related posts

Maxaa ka jira in xilka laga qaaday Gudoomiyihii Guddiga Doorashada heer Federaal?

Caydiid Ali

Xamse oo loo gudbiyey dokumenti xasaasi ah oo ku saabsan Wasaaradda..

Caydiid Ali

Xassan Shiikh & dhigiisa Al-Sisi oo arrimo xasaasi ah ka wada hadlay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---