Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo ka hadlay ka mid noqoshada Somalia ee Golaha Ammaanka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka Soomaaliyeed u jeediyey farriin hambalyo ah oo ku aaddan ka mid noqoshada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo ay dalkeena ugu dambeysay 54 sano ka hor.

Soomaaliya ayaa Arbacadii shalay si rasmi ah dib ugu biirtay xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, 54 sannadood kaddib.

Soomaaliya ayaa ka mid noqotay 15-ka xubnood ee uu ka kooban yahay Golaha Ammaanka, gaar ahaan 10-ka xubnood ee aanan joogtada aheyn. Waxay kursigan ku matali doontaa Bariga Africa muddo laba sannadood ah oo ka billaabatay 1-di bishan January ee sannadkana 2025-ka oo shalay ku beegneyd ilaa dhamaadka sannadka 2026-ka.

Booskan ayaa waxa loo doortay bishii June ee sannadki aanu kasoo gudubnay ee 2024-ki. Waxana ay isku mar shalay Golaha Ammaanka iskula soo biiray dalalka Pakistan, Panama, Denmak & Somalia iyo Giriigga.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyay dadaalka loo soo maray xaqiijinta guushan taariikhiga ah.

HOOS KA DAAWO HADALKA MADAXWEYNAHA

Related posts

Israa’iil oo si weyn uga soo horjeesatay Barnaamij ay Boqortooyada Sacuudiga doonayso

Cabdi Cade

Dugsiyada New Zealand oo Ardayda baraya Nolosha Gabdhaha Muslimiinta ah

Cabdi Cade

Xildhibaan Kenyan ah oo qoray la galay fadhiga Baarlamaanka iyo argagax ka dhashay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---