Kooxo hubeesan oo Muqdisho ku dhaawacay Sacdiyo Maxamed Maxamuud

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa xalay xilligii afurka xaafada Siisii ee degmada Dayniile, waxa ay ku dhaawaceen Hooyo lagu magacaabo Sacdiyo Maxamed Maxamuud oo kamid aheyd haweenka ka shaqeeya atrimaha bulshada gaar ahaan samafalka .

Hooyadan la dhaawacay ayaa sidoo kale katirsaneyd ururka haweenka degmada Dayniile, waxa ayna aheyd hooyo aad uga tilmaamay haweenka degmada Dayniile , waxa ayna waqtigeeda ku bixin jirtay u gargaarida dadka masaakiinta gaar ahaan haweenka.

Kooxdii dhaawaca u geesatay hooyadan ayaa goobta isaga baxsaday, ciidamada ammaanka oo soo gaaray goobta lagu dhaawacay Sacdiyo Maxamed Maxmaduud ayaa ku guuldareestay in ay gacanta kusoo dhigaan.

Dhaawaca hooyadan soo gaaray oo ah mid culus ayaa lagula tacaalayaa isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, waxaana falkan lagu dhaawacay Sacdiyo Caanamac aad uga naxay dadka kunool degmada Dayniile.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacayay dilal iyo dhibaatooyin kale oo loo geesanayay dadka bulshada u shaqeeya iyo sidoo kale dad kale oo shacab ah aan waxba galabsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -