Diyaarad rakaab oo markii ugu horeesay loo adeegsaday dabdamis (Daawo Sawirada)

Diyaarad rakaab oo nuuceedu yahay Boeing 737 ayaa markii ugu horeesay loo adeegsaday dabdamis ahaan, waxa ayna arintan timid kadib markii dab xoogan oo daminteedu adkaaday qabsaday gobol katirsan dalka Australia

Diyaaradan rakaabka oo la casriyeeyay ayaa ka qeyb qaadatay daminta dab xoogan oo ka holcayay gobolka New South Wales ee dalka Australia, waxaana daminta dabkan ku guul dareestay gawaarida dabdamiska iyo diyaarado kale oo loo adeegsaday.

Masuuliyiin katirsan dowlada Australia ayaa sheegay in diyaaradan loo badelay dabdamiska  ay qaadi karto in kabadan 15,000 liitar oo ah biyaha dab damiska loo isticmaalo, waxa ay sidoo kale qaadi kartaa in ka badan 60-ruux oo dabdamiska ka shaqeeya.

Diyaaradan dabdamiska loo adeegsaday ayaa qeyb weyn ka qaadatay daminta dab halis ku hayay dekadda Stephens, oo 150km woqooyiga ka xigta magaalada Sydney, waxaana  dabkaasi uu cagta mariyay dhul gaaraya 1,500 oo hektar.

120519-F-EI671-001

- Advertisement -