Labo kamid ah Musharaxiinta u taagan Xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo niyad jab lasoo darsay

Waxaa la filayaa 30-ka bishan April in magaalada Muqdisho ka dhacdo doorashada lawada sugayo ee Gudoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana kursigan isku soo sharaxay 11 Xildhibaan .

Musharaxiinta kursigan u taagan waxaa ku jira Wasiiro katirsanaa Xukuumada Soomaaliya kuwaa oo shuruud looga dhigay in ay is casilaan kahor inta aan loo diiwaan galin doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Wasiiru dowlihii Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Ibraahim Isaaq Yarow ayaa kamid ah Wasiirada is casilay isna soo sharaxay.

Sida aan Wararka ku heleyno Wasiiradan ayaa hada waxaa lasoo darsay niyad jab xoogan kadib markii Madaxtooyada Soomaaliya albaabada ka xiratay loona sheegay in musharaxiin kale kursigan la doonayaan.

Labada Musharax ayaa markii hore hami ka qabay in ay helaan Kalsoonida Madaxda sare laguna taageero doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka, waxa ayna hada Xildhibaanadan ka walaacsan yihiin in kursiga Wasiirnimo waayeen rajadoodana ay xu  tahay.

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow ayaa lagu soo waramayaa in marar badan tagay Madaxtooyada iskuna dayay in Madaxda sare la kulmo, balse Xildhibaankan ayaana laga xirtay albaabada lagana hor istaagay in uu la kulmo Madaxda sare sida Madaxweynaha.

Sidoo kale Xildhibaan Ibraahin ayaa Xildhibaano uu la kulmay kana codsaday in codkooda ku taageeraan kala kulmay waji gabax, waxa ayna inta badan Xildhibaanada sheegeen in ay taageersan yihiin musharixiin kale.

Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa la rumeesan yahay in aysan noqon doonin mid madax banaan, waxaana la saadaalinayaa in kursigan kusoo bixi doono Musharax gaar ah oo ay wadato Madaxtooyada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -