Allbanaadir.com
NEWS

Kenya oo Turkiga ka soo iibsatay dayuurada Bayraktar TB2 (Sawirro)

Dowladda Kenya ayaa kasoo iibsatay dalka Turkiga 6 dayuuradaha Droneska casriga ah ee Bayraktar TB2 UAVs

Kooxda loo diyaariyay isticmaalka Diyaaradahaan ee ka tirsan ciidamada Kenya ayaa Tababar ku soo dhameystay Turkiga Bishii August ee la soo dhaafay.

Dayuuradahan ayaa qeyb ka noqon doona howlgalada Ciidanka Kenya gaar ahaan la dagaalanka Kooxda Al shabaab ee dalka Soomaaliya.

Soomaaliya oo ah halka xarunta u ah Kooxda AS dhibka ugu weynna ku hayaan ayaan weli soo iibsan dayuuradahan oo qiimahooda uusan aad qaali u aheyn.

Dayuuradan Bayraktar TB-2 oo wacdaro ka dhigtay dagaalo fara badan ayaa dhowr ka mid ah waxay yaalaan Somalia hase ahaatee waxaa heysta ciidamo Turki ah oo tababaro siiya Soomaalida kuwaasoo mararka qaarkood gacan siiya ciidamada DF marka ay dagaalo adag kala kulmaan Al Shabaab.

 

Related posts

RW Khayre oo furay Wejiga 2-aad ee dib u habeynta Ciidanka Xoogga dalka (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Rooble oo xil u magacaabay Taliyihii hore ee NISA Jen. Bashiir Goobe

Cabdi Cade

Laftagareen & Qoorqoor oo kulan xasaasi ah ku leh Baydhabo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---