Allbanaadir.com
NEWS

Hadal uu jeediyay Elon Musk oo muran badan abuuray iyo Trump oo…

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka D. Trump ayaa taageeray maal qabeenka iyo milkiilaha shirkadda Tesla, Elon Musk, ka dib markii hadal uu Musk sheegay uu keenay muran dhex maray taageerayaasha xisbiga Jamhuuriga.

Elon Musk ayaa sheegay inuu si buuxda u taageersan yahay hanaanka lagu helo visaha shaqada ee H-1B, kaas oo shaqaalaha xirfadda teknolojiga leh ee ajaanibta ah lagu keeno dalka Maraykanka. Qaar ka tirsan taageerayaasha Trump oo diiddan soo galootiga ayaa arrintan ka hor yimid.

Trump oo xiligiisii hore xaddiday bixinta visaha ayaa Sabtidii shalay wargeysta The New York Post u sheegay in sida Musk uu isna taageersan yahay barnaamijka visaha ee shaqaalaha ajnabiga ah lagu keenayo.

Trump ayaa yiri, “Waxaa Jira dad badan oo visaha H-1B ku yimid oo hantideyda ka shaqeeya. Waligeyba waan rumeysnaa. Marar badan baan adeegsaday. Waa barnaamij qiimo leh.”

Elon Musk oo naftiisu sharciga Maraykanka qaatay, asal ahaanna dalka South Afrika ka soo jeeda, ayaa ku yimid visaha H-1B. Visahan ayaa muddadiisu ay tahay saddex sano, in kasta, oo dadka haystaa ay sii dheeraysan karaan ama ay Green Card codsan karaan.

Related posts

Burcad dhac ku geysaneysay bastoolado caag ah oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)

Caydiid Ali

Deni oo codsi xasaasi ah u dirsaday UAE & qorshe halis ah oo ka bilowday Puntland

Caydiid Ali

Golaha shacabka oo shaaciyey Maalinta codka kalsoonida loo qaadayo Wasiirada cusub

Caydiid Ali
Taboola Ads ---