Allbanaadir.com
NEWS

Xuutuyiinta oo weeraro aargoosi ah ku qaaday Israel

Xuutiyiinta Yemen ayaa weerarro aargoosi ah ku qaaday Israa’iil, kaddib weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay ku bartilmaameedsadeen garoonka diyaaradaha Tel aviv ee Ben Gurion.

Weerarkan ayaa jawaab u ah duqeyn gelinkii dambe shalay ciidamada Israel ku qaadeen dekeda Xudeyda iyo garoonka dayuuradaha Sanca ee dalka Yemen, waxaana ku dhintay ugu yaraan 2 qof halka 3 kale ay ku dhaawacmeen.

Afhayeenka dhinaca militariga ee Xuutiyiinta, Yaxye Sariic ayaa warsaxaafadeed uu baahiyay ku sheegay inay sidoo kale si guul ah u beegsadeen saldhigyo militari oo ku yaalla Tel aviv.

Waxaa kaloo uu sheegay inay weerarreen markabka konteenarada qaada ee Santa Ursula oo ka diiwaangashan dalka Denmark.

Dhinaca kale Israa’iil ayaa bambooyin culus ku garaacaysa waqooyiga marinka Qasa oo la sheegay in isgaarsiinta hawada laga saaray, iyadoo dadka ku sugan Tel aviv oo uu ku jiro wariye ka tirsan FoxNews ay sheegeen inay maqleen bambooyinka lagu garaacayo Qasa.

Weerar toogasho ah ayaa sidoo kale saaka laga soo sheegay dulleedka Tel aviv, mase jirto wax khasaare ah oo wali la soo bandhigay.

Related posts

Madaxii hawlgalada Kooxda Daacish ee degaanada Puntland oo la qaarajiyey

Caydiid Ali

Somalia oo mar kale loogu deeqay talaalka Astra-Zenece ee ka hortaga COVID-19 (Sawirro)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday fariisimo ciidan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---