Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Fiqi oo shaaciyey hadal wadnaha gooyey Itoobiya

Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa si cad u xaqiijiyay in Itoobiya aysan marin ka siinayn badda-cas xili dhawaan heshiiskii Ankara ee lagu xaliyay khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya qodobada lagu gaaray uu ka mid ahaa in Itoobiya ay hesho marin baddeed

“Waxaan si cad u beeninayaa sheegashada ah in Itoobiya loo ogolaaday inay gasho badda cas. Sheegashooyinkan aan sal iyo raadka lahayn” ayuu yiri Wasiir Fiqi

Soomaaliya ayuu sheegay iney ka go’an tahay ilaalinta madax-banaanideeda Dhuleed iyo xaqiijinta hufnaanta arrimaha Qaranka

Hadalka Wasiirka Arrimaha dibada Soomaliya kasoo yeeray wali kama jawaabin dowlada Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha dibadda Masar ayaa maalin ka hor sheegay iney marnaba Masar ogolaan doonin in Itoobiya ay gaarto badda-cas xili uu shir jaraa’id la qabtay Wasiirka Arrimaha dibada Soomaliya oo ku sugnaa Qaahira.

Badda cas waxaa iska leh oo kaliya dalalka ku teedsan cid kale looma ogolaanayo, mana aqbalayno” ayuu yiri Wasiirka oo intaas ku daray in amniga badda ii xil ka saaran dalalka ku teedsan oo kaliya.

Related posts

Saciid Ciise: “Halgan kasta oo xalaal ah laguma guuleysto ilaa la huro Naf iyo Maal”

Caydiid Ali

Dibad-bixii ugu weynaa oo laga abaabulayo Muqdisho (Jidadka & ganacsiga oo la xirayo)

Caydiid Ali

Hantidhowraha Qaranka oo Shaaciyay in Puntland 20-milyan ka bixisay Xeryo ciidan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---