Saciid Ciise: “Halgan kasta oo xalaal ah laguma guuleysto ilaa la huro Naf iyo Maal”

Madaxbanaanida iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliyeed waxaa u halgamidooda awgeed ciqaab ka baxsan dhaqanka dadnimada u soo muteystay wadaniyiin Soomaaliyeed oo geesinimo qiimo sare leh ku dagaal geliyey naftooda dareen ka turjumaya damiir daacad u ah difaacida qaranimada dhuleed iyo isirka Soomaaliyeed oo ay ay ka dhaxleen awooweyaashood.

Sidaas si la mida ayey wadaniyiin badan waxey maalkooda u hureen ku difaacida dalkooda iyo dowladnimadooda, waxeyna deeqsinimadooda wadaniyadeed ay ku cabireen dareenkooda ka turjumaya jaceylka ay u qabaan hanaqaadida dowladnimo Soomaaliyeed oo madaxbanan, hasa yeeshe maal huridaas awgeed waxey ku muteystaan in cadawga ummadda ay boobaan hantidooda oo ay cayrteyaan.

Daljirida dalka ayaa sidoo kale waxaa naftooda u hura wadaniyiin aan inta badan magacyadooda la xusin, kuwaasoo hubka u qaatay iney u geeriyoodaan difaaca dalkooda iyo dadkooda, iyagoo qoysaskooda iyo ehelkooda la noolaashahooda ka doorbiday iney dhiigooda iyo naftooda u huraan badqabka dadkooda iyo dalkooda, waxeyna ilmahooda uga tagaan magac Sharaf leh oo xasuus gobonimo leh.

Waxaa heybad iyo xushmad mudan hogaamiyaha dalka iyo madaxda amniga oo shacabka Soomaaliyeed u horseeday dhiranaanta aan gambashada lahayn ee ummadda loogu adeegayo awooda iyo masuuliyada hogaamineed ee amaanada loogu xilsaaray, iyagoo maslaxadda naftooda, xuquuqdooda, iyo xoriyadooda ka doorbiday daacadnimo ugu halgamida horumarinta iyo wanaajinta maslaxadda ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan shaki lahayn in hogaamintaas wanaagsan ay dhibeyso dad badan oo aysan hadda u muuqan dadaalada nafti huronimada leh oo ay madaxdaas ku gaarsiinayaan shacabka Soomaaliyeed aayatiin iftiimaya oo loo aayo hiigsigiisa mustaqbalka dhow iyo midka fog. Mariinka loo marayo gaarista yoolalka himilooyinkaas dhibka badan waxey ku kaceysaa in lagu waayo wax badan oo qiimo weyn ku fadhiya, sida naf, maal, jir, maskax, wakhti, xuquuq, xoriyad, ehel, saaxiib, xil, xasanad, qoys, mansab, maqaam, iyo caqiido qabiil iyo mid siyaasadeed.

Waxaan Ilaahey ka baryayaa inuu ku garabgalo madaxda dalka u kacday oo damiir wadaniyadnimo oo daacada ugu horseedaya ummadda iney ku hogaamiyaan mariinka ay ku gaari lahayeen siyaasad xasiloon, degenaansho amni iyo nabadgelyo, iyo nolol ay shacabku ku wadaagaan cadaalad xaqsoor siman leh. Waxaan sidoo kale Ilaahey uga baryayaa in dhamaan dadka naftooda, maalkooda, qoysaskooda, iyo xuquuqdooda ku waayey u halgamida difaaca iyo jiritaanka dowladnimada ummadda Soomaaliyeed inuu Eebahay bedel khayrqaba siiyo oo xasanaad Adduunyo iyo kuwo Aakhiro ku abaalmariyo.

Prof. Saciid Ciise Maxamuud
Guddoomiyaha Xisbiga Dadka Soomaaliyeed
Maine, Texas, USA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -