Allbanaadir.com
NEWS

DF oo ku eedeysay Jubbaland afduubka Diyaarad & duulimaadyadii…

War-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya , ayaa lagu sheegay in maamulka Jubbaland shalay garoonka diyaaradaha Kismaayo ka afduubteen diyaarad ay laheyd shirkadda Halla Airlines, waxa ayna sheegeen in lala wareegay nidaamkii isgaarsiinta ee diyaaradaasi.

Hay’adda ayaana sheegtay in diyaaradaasi la afduubtay si xoog ah degmada Doolow loogu saaray masuuliyiin katirsan maamulka Jubbaland, waxa ayna xuseen in halis la galiyay nolosha shaqaalihii diyaarada la socday.

Warka kasoo baxday hay’adda Duulista Rayidka ayaa lagu sheegay in diyaaradihii Kismaayo aadi jiray cabsi darteyd u joojiyeen saakay duulimaadka, waxa ayna xuseen in la baarayo falka afduubka ah ee Jubbaland kula kacsay diyaaradda rakaabka ee laheyd shirkadda Halla.

Related posts

Mareykanka oo war ka soo saaray duqeyn ka dhacday Sh/dhexe

Cabdi Cade

Wadahadalkii Somalia & Itoobiya ee Turkiga oo meel adag maraya

Caydiid Ali

Baarlamanka Somalia oo ansixiyey sharci ay horey u diideen Maamul goboleedyada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---