Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Baarlamanka Somalia oo ansixiyey sharci ay horey u diideen Maamul goboleedyada

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey Sharciga Heshiiskii Qeybsiga kheyraadka ee madaxda dowaldda Soomaaliya iyo madaxda dowlad Goboleedyada ay ku gaareen magaalada Baydhaba.

Heshiiskan oo maamul goboleedyadu diideen markii dambe ka dib sida ay sheegeen wax badan lagu daray ayaa waxaa baarlamaanka geeyay Xukuumadda, waxaana soo gdubiyey Guddiga Kheyraadka Golaha, iyadoo cod loo qaaday waxaana ansixiyey 142 xildhibaan, waxaa diiday 5 kale, iyadoo aanay cidna ka aamusin.

Shirka oo uu guddoominayey Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Ibraahin Muudey waxay Xildhibaanada sidoo kale ku ansixiyeen Heshiiska Caalamiga ah ee Dadka Naafada ah kaasi oo Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka uu Baarlamaanka hor keenay Dhinaca kale xildhibaannada ayaa maanta ka dooday qasaaraha ciidamada Kenya u geysteen xarumaha shirkadaha isgaarsiinta Hormuud iyo SOMTEL, kadib markii ciidamada Kenya ay qarxiyeen 11 xarumood.

Waxaa kaloo ajendayaasha Baarlamanka ee maanta ka mida Sharciga Saxaafadda oo dib loogu celiyey Baarlamaanka mar kale, iyadoo xukuumadda ay dooneyso in wax laga bedelo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Caro ka dhalatay ficil naxariis daro ah ay sameeyeen Booliiska Hindiya (Daawo Sawir)

Cabdi Cade

Shirkada Facebook oo Khasaaro badan kala kulantay Ciladii xalay ku timid !

Cabdi Cade

(Sawirro) Xassan Shiikh oo dalab culus hor dhigay Golaha amanka ee Q/Midoobay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---