Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo bogaadiyay ganacsato Mashruuc weyn ka fulineysa Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa casho sharaf la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey sida ay u doonayaan hirgelinta qorshaha Muqdishada cusub oo beddeli doonta muuqaalka caasimadda.

Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay in mashruucan waddaniga ah uu yahay mid dhammaan ganacsatada Soomaaliyeed ay qayb muhiim ah ku yeelanayan, taas oo xaqiijinaysa in qorshahan uu noqdo mid Soomaali leedahay, oo berito ay ku faani karaan jiilasha soo socda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ganacsatada uga mahadceliyey kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin dalka, gaar ahaan doorka ay ka qaadanayaan kobcinta dhaqaalaha, shaqo abuurka, iyo xoojinta nabadda. Waxa uuna ku dhiirrigeliyey in ay si hagar la’aan ah u bixiyaan canshuurta, ugana qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa dhankooda ballanqaaday in ay kaalin weyn ku yeeshaan mashaariicda qaranka, iyagoo ka duulaya qorsheyaasha lagu xoojinayo dib u dhiska iyo horumarka dhaqaale ee dalka.

Related posts

Haweenay shabakada YouTube ilmo isaga dhalisay kaligeed !!!(Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Saraakiisha Milatariga oo loo diyaarinayo sidii ay AMISOM ugala wareegi lahaayeen Amniga dalka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Musharaxiinta Jubbaland oo sheegay in doorashada u afduubantahay Axmed Madoowe !!

admin
Taboola Ads ---